Publication 2 - Cabdillahi Maxamed Warsame

Dadka Nugul, Gaar Ahaan Carruurta

Cabdillahi Maxamed Warsame

Cilmi baadhistani waxay ku saabsanayd tacadiyada loo gaysto carruurta Somaliland, ujeedada laga lahaana waxay ahayd in la ogaado in carruurta Somaliland ku nool loo gaysto tacadiyo ka dhan ah xuquuqdooda iyo in la sugo inay tacadiyo jiraan. Daraasadan waxa laga sameeyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland degmooynka ay ka koobantahay, qaabka loo sameeyay cilmi baadhistan waa si guruub guruuba ama koox kooxa iyo si keli keliya iyadoo loo diyaariyay su’aalo u gaara guruub kasta, axa intaa dheer inaanu la xidhiidhnay hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda carruurta.

Daraasadan ku tacaaluqday  tacadiyada ka dhanka ah carruurta waxa inooga soo baxay natiijo ah in ay jiraan dhibaatooyin loo gaysto carruurta oo kala duwan, sida dilmada, yasida, kufsiga, maagis, iyo u kala eexashada waalidka ee wiilasha iyo gabdhaha. Waxaan soo jeedinayaa maadaama ay jiraan dhibaatooyin ka dhana carruurta waxna u dhimaya xuquuqdooda asaasiga ah in layska kaashado abar gooynta tacadiyada ka dhanka ah ubadka si loo helo  mustaqbalka carruur ka fayow dhammaan hagar daamooynika aan soo xusnay.